Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Danjire Mhiga oo maanta ku kulmay garoonka diyaradaha Adan Ade Intl. Airport ee magaalada Muqdisho.

Halkan ka akhri

War goor dhaweyd naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ergayga gaarka ah ee QM u Qaabishan Arimaha Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga uu Booqasho uu ku yimid Muqdisho maanta barqadnimadii, waxaanu uu kulan kula yeeshay Garoonka Diyaaradaha Aadan cade Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed,Ra’iisalwasaare Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Afhayeeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan waxayna ka wada hadleen Qorshaha Qaab Dhismeedka Xukuumadda Cusub ee La soo Magacaabayo.

Sida lagu soo warramay Kulanka madaxda Dowlada iyo Ergayga ayaa ahaa mid Albaabada ay u xiran yihiin oo an loo Oggoleyn Saxaafadda ayaan la ogeyn waxa uu ku Saabsanaa xaqiiqadiisa, balse ilo wareedyo laga helay rag u dhow dhow Saddaxda mas‘uul ay la sheegay inay u badnaayeen Qaab Dhismeedka Xukuumadda Cusub ee la Filayo in dhawaan uu ku Dhawaaqo Ra’iisal wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo,kuwas oo ka yeeshay wadahadalo gaar ah oo la xiriira sida ugu Haboon ee loo soo Magacaabi karo Mas’uuliyiin Ka bixi kara Waajibaadkaas Culus iyo Qaabkii ay ku Ansaxin lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sida la wada ogsoon yahay Danjire Mhiga ayaa horay Dhexdhexaadin ka Sameeyay xilligii u Tagnaa Qilaafkii u Dhaxeeyay madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka ee ku Saabsanaa Qaabkii loo ansaxin laha Ra’iisalwasaare Farmaajo oo ay Xildhibaanadu isaga horjeedeen in codka Kalsoonida uu noqdo Mid gacan tagah iyo Mid Qarsoodi ah walow la Sheegay in Ergayga uu ku Guuleystay in Codka laga Dhigo mid Gacan Taag ah taasoo keentay in Xildhibaanadii Ku dheganaa in coodka laga dhigo qarsoodi ay ka tanaslaaan lagana Dhigo Mid Gacan taag ah.

Si kasta ha ahaatee Danjire Mhiga wuxuu u Sheegay Mas’uuliyiinta Soomaalida in QM ay Xilligan Diyar u tahay Sidii ay Gacan uga Geysan lahayd Kaalmada Calamiga ah ee Loogu tala galay in lagu Caawiyo Dowlada KMG ah, loogana Bahan Yahay in ay Mas’uliyiinta Sare ee Dowladda ay la yimaadaan dadaal iyo firfircooni, islamarkaas ay ka Gudbaan Qilaafka horseedi kara Dib u dhac ku yimaada deeqaha Calamiga ah eee Dunidu ugu Tala gashay Soomaaliya oo Muddo labaatan Sano ah ku jirtay dagaalo iyo Bur-bur saameeyay guud ahaan Qeybaha Bulshada Soomaaliya iyo Dalalka Deriska ahba.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: