TACSI TIIRAANYA LEH, TACSI TIIRAANYA LEH.

Halkan ka akhri

TACSI TIIRAANYA LEH, TACSI TIIRAANYA LEH.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Dhamaan Jaaliyadaha Beesha Gaaljecel ee ku nool waddanka Switzerland waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan beel weynta meelkastoo dunida ay uga nool yihiin, gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Nabadoonkii Beesha Reer Ugaas ee Beesha Gaaljecel Marxuum Xaaji Nuur Yarow Maxamed oo dorraat ku geeriyooday magaalada Bonn ee dalka Jarmalka.

Sidoo kale guddiga jaaliyadda Beesha Gaaljecel oo wakiil ka ah dhamaan Beesha Gaaljecel oo ku dhaqan dalka Switzerland waxay tacsi taas la mid ah u dirayaan xaaskii iyo Caruurtii  uu ka tagay marxuumkaas meelkasta oo Caa lamka ay ka joogaan.

Marxuum Xaaji Nuur Yarow Maxamed  wuxuu ahaa Nabadoonka Beesha Reer Ugaas ee Beesha Gaaljecel wuxuu ku dhashay Magaalada Buulo Burde ee Goblka Hiiraan sanaku markuu ahaa 1919, Marxuumku waxaa uu tacaliinta hoose ku soo qaatay isla Magaalada Buulo-Burde,ka dib waxa uu marxuuku u soo wareegay Magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka bilaabay gacansi aad u fara badan,markii danbana ku baahay dalka somaaliya oo dhan Marxuumku waxa uu dhalay 23 caruura,waxa ay sii dhaleen marka la isu geeyo waxa ay gaarayaan 73.

Marxuum Xaaji Nuur Yaraw maxamed waxaan ilaahey uga baryeeynaa inuu naxariistii janno ka, waraabiyo Qoyskii, Caruurtii, Eheladii uu ka baxayna samir iyo iiman ka siiyo Aamiin Aamiin.

Sido kale Wiilka Ugaaska Abdiaziz Nur Yarow Mohamed wuxuu dadweynaha u xaqiijinayaa in aabo HAJI NUR YAROW MOHAMED  taariikhda markay ahayd 05/11/2010 uu ku geeriyooday magaalada BONN ee dalka Jarmalka.

Haddaba Cidii dooneysa in ay Marxuumka Caruurtiisa u tacsiyeyso Ha kala xiriirto Taleefanada hoos ku qoran. 0049228-2279720  — 00491637269071  waa kan gacanta ee caruurtiisa.

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: