Advertisements

Soomaalida Yurub oo laga mamnuucay in ay u safraan qaar kamid ah wadamada Afrika iyo Carabta.

Halkan ka akhri

 

Qaar kamid ah wadamada Yurub ayaa xanibaad dhinaca safarka ah kusoo rogay Soomaalida iyo Ajaanib kale oo ku dhaqan wadamadooda, kadib markii dad badan oo Soomaali ah laga soo celyay garoomada diyaaradaha, dadkaasi oo u badan dad dhalinyaro ah oo ay da’doodu ka hooseyso 30 sano, iyo kuwa kale oo looga shakiyay in ay xiriiro la leeyihiin wadaada diimeedka ka dagaalama dalalka Soomaaliya, Afghanistan iyo Yaman.

SomaliSwiss ayaa la kulantay illaa 8 Qof oo laga soo celiyay garoomada diyaradaha wadanka Ingiriiska, kuwaas oo loosoo celiyay kadib markii lawaydiiyay meelaha ay u socdaalayeen iyo sababaha ay u dhoofayeen, dadkaas oo u badnaa da’da meel dhexaadka ah.

SomaliSwiss oo lix ka mid ah Soomaalida garoomada Ingiriiska laga soo celiyay waraysiyo xog baaris ah la yeelatay ayaa ogaatay in meelaha dadkaas loo diiday ay ahaayeen wadamo kamid ah Afrika iyo Carabta.

Dhalinyaradaasi ayaa u kala socdaalayay wadamada Kenya, Ugandha, Imaaraadka Carabta, iyo Yeman.

Dad kale oo kamid ah Soomaalida Yurub ayaa SomaliSwiss u xaqiijiyay in ay arkeen ayna yaqaanaan dad qaraabadooda ah oo la kulmay xaaladahaas oo kale, waxaana kamid ah meelaha kiisaska ugu badan ay ka dhacayaan wadamada Ingiriiska, Holland, Sweden iyo Norway, iyadoo xittaa dadka transit-ka ku ah wadamadaas lala yeesho waraysiyo xasaasi ah.

Inkastoo ay iska caddahay in xannibaado adag lagu soo rogay dadka u dhoofaya wadamada ay kamid yihiin Imaaraadka Carabta, Kenya, Ugandha, Yeman iyo wadamo kale oo ka mid ah Afrika iyo Carabta, gaar ahaan kuwa looga sii gudbi karo Soomaaliya, hadana wax dhibaato ah lagama sheegin dadka safarkooda uu ku wajahan yahay wadamada Ethiopia iyo Masar.

Mid kamid ah dadka ay SomaliSwiss waraysatay oo u socday dalka Imaaraadka Carabta oo uu ka dhici lahaa arooskiisa ayaa sheegay sida dhibka dalka Soomaaliya ka jira uu qof kasta u saamaynayo, isagoo ka niyad xumaa arooskiisa oo labaajiyay.

Aabe 50 jir Soomaali ah oo familkiisa Kenya ugu waday si ay usoo qaataan maalmo joog ama Dalxiis ayaa laga soo celiyay Airaport-ka Nairobi, waxaana loo sheegay inuu kujiro liiska argagixisada, waxaana waaxda socdaalka Kenya ay amartay inuu ku laabto diyaaraddii uu la yimid oo markii hore kasoo duushay dalka Ingiriiska,

Aabahaasi ayaa markii uu waydiiyay saraakiisha socdaalka UK, sida ay wax u jiraan, ayaa waxaa uu sheegay inuusan ka helin warbixin dhamays tiran, iyagoo u sheegay in dalka Maraykanka uu ku daray liiska dadka ka reeban in ay Diyaarad raacan (No fly list).

 

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: