Ra’isal wasaare Farmaajo oo baaq u diray Jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha ku nool.

Halkan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed ayaa waxa uu ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka dibadiisa in ay ka qeyb qaataan nadaba Dalka, isagoo dhinaca kale eedeeyay kooxaha ka soo horjeeda dowaladda KMG Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Max’ed (Farmaajo) ayaa wuxuu ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Dibadiisa in ay ka qeyb qaataan samata bixinta Shacaka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya wuxuu sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Dibadiisa looga baahanyahay waxqabad dhab ah oo ku aadan in ay gacan ka gaystaan soo celinta xasiloonida dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha kula taliyay Jaaliyadaha Soomaalida in ay ka qayb qaataan Tabarucidda dadka Dhibaataysan.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha oo hadalkiisa sii wata wuxuu uu sheegay in Xukuumadda dhawaan uu soo dhiso doono ay noqon doonto mid isku xirta Jaaliyadaha Soomaalida ku dhaqan dalka dibadiisa iyo kuwa ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee wuxuu Ra’iisulwasaaruhu, uu si aad ah uga hadlay dhibaatooyinka gudaha Soomaaliya ay ka wadaan dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay qaar ka mid ah kooxaha dowladda ka soo horjeeda in ay yihiin dad gudaha dalka Soomaaliya u yimid dhibaataynta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi uu sheegay in ay ka kala yimaadeen dalalka Afagaanistaan iyo Bakistaan iyo qaar ka mid ah wadamada reer Galbeedka.

Si kasta ha ahaatee hadalka Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa yimid xili uu qadka Taleefonka kula hadlaayay qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Ingiriiska.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: