Xarakada Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay taliskii ciidanka Xisbul Islaam ee Hiilweyne.

Halkan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta weeraray xarun ciidan oo Xisbul Islaam ku lahaa degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida ay ku warrameen dadka degaanka iyo suxufiyiin halkaas ku sugan.

Xeradii Hiilweyne ee degmada Balcad oo uu mudooyinkaan dambe ciidan ku uruursanaayay Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo ah Gudoomiyaha Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir, isla markaana ah xubinta kaliya ee la sheegi karo ee ka dambaysa Xisbul Islaam ayay xarakadu weerareen maanta..

Macalin Xaashi oo ka soo jeeda Degmada Balcad ayaa qorsheynayay inuu ciidamo fara badan ku uruursado saldhigaasi ciidan, si uu u qabsado degmada Balcad oo ay ka taliyaan kooxaha Shabaabka, gaar ahaan Saraakiil aan u dhalan deegaandaasi, waxayna wararka deegaanku sheegayaan in halkaasi uu ka dhacday dhimasho iyo dhaawac.

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in ciidankii xisbul Islaam ay kala firdhadeen, una kala carareen meelo u dhow deegaanka lagu dagalammay, halka qaar kalena qabteen dhanka Afgooye oo xisbigu maamulo weli.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: