Shirweynaha shirkadaha u adeega lacagaha iyo xawaaladaha (SRO) oo ka dhacay caasimada dalka Switzerland ee Bern.

Halkan ka akhri

Taariikhda marki ahayd 3-da Bishan November waxaa caasimada dalka Switzerland lagu qabtay Shirweynaha Forum (SRO) shirkadaha u adeegga lacagaha, waxana kulankaas soo qaban qaabisay hay’adda FINMA oo ah hay’ad kulmisa dhammaan shirkadaha ku howlan adeegga lacagaha sida Xawaaladaha, Dhaxdhexaadiyaasha Maaliyadeed iyo  Bankiyada.

Forumka SRO waa hay’adaha Xawaaladaha kala duwan ee ka shaqeeya dirista lacagaha ee ka howl-gela dalkan Swisska (Remittance).

Shirweynahan ayaa waxaa isugu yimid  in ka badan 6.000kun Hay’ad iyo shirkadood oo ku howlan dhaqdhaqaaqa Maaliyadeed ee dalkan Switzerland, waxaa kaloo ka soo qayb galay hay’adaha Dowladda Swiiska sida Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Boostada & Isgaarsiintaiyo wixii  la mid ah (iwm), shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa lagu qabtaa magaalooyinka uga waaweyn ee wadanka Switzerland.

Kongreskan ayaa waxaa loogu hadlayey sidii loogu hortagi lahaa Lacagaha wasaqeysan (riciclaggio di denaro) iyo lacagaha Argagaxisada.


Sidoo kale Shirweynahan ayaa waxaa Soomaalida ku nool dalkan Switzerland uga qayb galay
Madaxa Shirkadda Xawaalada Soomaalida Qrbajooga Swisska (Somali  Migrant Remittance) Mudane Abuukar Muudey Cabdi iyo Xoghayaha Shirkadda Mudane C/qaadir Sheikh Maxamed.

Shirkadda xawaaladaha Qurbajooga Soomaalida  oo fikraddii lagu Aaas-aasay iska lahaa Ururka Rajo: Integration,Peace & Development For Somalia ayaa si sharci ah uga diiwaan geshan dalkan Switzerland, waxayna si rasmi ay howlaheeda ugu billaabday dalkan Swisska dhamaadkii Sanadkii tegay ee 2009ka, inkastoo uu si qalad howlaheeda hakad u gelay muddo dhowr bilood ah.

Hase yeeshee waxaa la filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib u billawbi doonto Toddobaadyada soo socda, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Madaxa Shirkadda Mudane Abuukar Muudey.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta Shirkadda Xawaalada Qurbajoogta Soomaalida ayaa  waxay Shabakada SomaliSwiss ugu warrameen sida uu u dhacay Kongreska ama Shirweynaha, waxayna sheegeen in

dhammaan qodobadii shirweynuhu la hor keenay la isku afgartay, waxayna intaas ku dareen in shirku uu ku dhamaaday Jawi wanaagsan.

Dhanka kale waxaa Shirweynaha Forumka Hay’adaha adeegyada lacagaha Swisska hadalo kooban ka soo jeediyeen  Wasiirka Waaxda Federaalka uga qaabilsan Maaliyadda Herr, Hans Marz iyo madaxda Hay’adaha marka magacyadooda la soo gaabiyo la yiraahdo  FINMA,  SRO, (FI), OAD, MLO , KST IFDS  iyo kuwo kaleba.

SomaliSwiss  Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: