Shariif Xasan oo ku hanjabay in uusan ansixin doonin xukuumada cusub ee uu soo dhisayo ra’isal wasaare Farmaajo.

Halkan ka akhri

 

Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheikh Adan ayaa shuruud adag ku xiray ansixinta Wasiirada lasoo magacaabi doono hadaan loogu darin liis wasiiro 6 qof ka kooban oo uu wato gudoomiyaha.

Shariif Xasan ayaa ku goodiyay in uu ridi doono xukuumadda lasoo dhisayo haddii aan loogu darin qayb wasiiro ah oo uu isaga wato, kuwaas oo kala ah:- Wasiir ku xigeenka 1-aad, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka xiriirka caalamiga ah, wasiirka qoyska iyo kuwa kale.

Sida ay ku waramayaan wararka madaxtooayada iyo xafiiska gudoomiyaha xubanaha uu wato afhayeenka baarlamanka ee jagooyinkaas uu urabo waxaa horjooga ka ah: C/raxmaan Cabdi Shakuur, Cali Jaamac Jangeli, Madoobe Nuunoow iyo Fowsiyo Sheikh, waxaana haatan socda wada xaajood loo fadhiyo Villa Soomaaliya, kaas oo ladoonayo in looga gudbo arrimahaas.

Dhanka kale Sheikh Shariif ayaa isaguna wata liis wasiiro ka kooban 7 xubnood oo ay ugu horeeyaan; C/qaadir Cali Cumar, Daahir Maxamuud Geelle iyo xubno kale oo ka soo jeeda golihii Maxaakiimta Islaamka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: