Kulan lagu taageerayay ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Halkan ka akhri

Shir balaaran oo ay soo abaabuleen iskuna soo dubarrideen Ganacsatada Soomaalida Dalka Kenya oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin odayaal dhaqameedyo iyo ururrada bulshada ayaa waxaa shalay gelinkii dambe lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka kenya.

Shirkaas ayaa waxaa lagu taageerayay R/wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo dhawaan cod aqlabiyad leh ay ku ansixiyeenxildhibaanada baarlamanka soomaliya

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dadkii ka hadlay xafladda   lagu taageerayey R/wasaaraha cusub ayaa waxaa ka mid ahaa safiirka   Somaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Maxamed Cali Ameeriko oo ugu hambalyeeyay R/wasaaraha  cusub xilka loo magacaabay, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaliyeed inay ka qeyb qaataan sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa dadka Soomaliyeed ee ku dandareysan xeryaha qaxootiga ee wadanka Kenya kuwaasai oo uu tilmaamay safiirku ay kaalmou baahan yihiin.

Sidoo kale waxaa goobtaas ka hadlay qaar ka mid ah  Ganacsatada Soomaalida ee Dalka Kenya waxayna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin dhaarinta iyo Ansixinta Ra’iisul Wasaare Farmajo, waxayna ugu baaqeen inuu soo magacaabo Wasiiro tayo leh oo ka wanaagsan wasiiradii hore.

Dhanka kale Marwo Caamir oo ka mid ah Ganacsatada Soomaalida Dalka Kenya oo ka hadashay kullankaasi ayaa ku amaantay madaxweynaha Dowladda KMG ee soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed soo xulitaanka Xilka Wasiirka koowaad ee uu u magacaabay Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo.

Sidoo kale waxay ugu baaqday wasiirka koowaad in uu xooga saaro isla markaana juhdi badan ku bixiyo sidii dalka Soomaaliya amaanka iyo kala danbeynta looga bartay dib ugu soo celin lahaa, habeen iyo maalina u soo jeedi lahaa sidii Soomaaliya marxalada adag ay ku jirto uga bixi lahayd

Si kasta ha ahaatee waxaa soo badanaya taageeda Umadda Soomaaliyeed ay u hayaan R/wasaraha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed (farmaajo), hase yeeshee waxaa kaloo jiray banaan baxyolagu taageerayey R/wasaruhu oo ka dhacayey Gudaha dalka iyo kulamo ka dhacay Wadamo badan oo dunida ka mid ah, kulamadaas  ayaa waxay ku soo beegmeen, kaddib markii Mudane farmaajo loo dhaariyay Xilka R/wasarenimada Dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss   Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: