Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyey in ay taageerayeen kooxda Al-Shabaab oo lagu xirxiray dalka Mareykanka.

Halkan ka akhri

War aan ka helnay Wakiika SomaliSwiss ayaa sheegaya in ay sii kordheen Tirada dadka Soomaalida ah ee ay hay’adaha  Sirdoonka dalka Mareykanka ku xireen magaalooyin ka tirsan dalka Mareykanka,  kuwaa oo lala xiriirinayo inay taageeraan Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Haddaba dadkan Soomaalida ah oo ay xireen ciidamada FBI-da dalka Mareykanka ayaa waxaa laga soo kala qabtay gobolada Minnesota ,censes  iyo California, waxaana dhamaantood ay yihiin Soomaali haysata dhalashada dalka Mareykanka, waxaana Dadka la soo xiray ay tiradooda ka badan tahay ilaa 5 qof oo dhallinyaro ah, waxaana haatanku socotaa  dhamaantooda  weydiimo  la xiriira eedeeymaha ka dhanka ah.

Sida lagu soo warramay gelinkii dambe ee Khamiistii shalay    ayaa ciidamada FBI-da waxa ay gobolka Censes   ku xireen nin Soomaali ah oo muddo ku dhow 20 sano dalkaasi ku noolaa, ganacsadahaas ayay  Sirdoonku u yeereen isagoo lagu wargeliyey in Su’aallo la weydiinayo, balse markii uu tagay xarunta looga yeeray ayaa la xiray, waxaana lagu eedeeyey   in  dhaqaale ku taageeray kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale laamaha Sirdoonka dalka Mareykanka ayaa bilaabay inay Su’aallo la xiriira dadka ay hayaan weydiiyaan maamulada Shirkadaha Xawaaladaha ee dalkaas ka shaqeeya, waxaana ka mid ahaa  Kulane Darmaan oo ah Wakiilka    shirkadda xawaalada Qaran Express , markaas ka dibna  uu wareysi siiyey   wakaalada wararka ee AP wuxuu u sheegay in uusan waxba ka aqoon ragga wax laga weydiiyey qaarkood oo ay ciidamada sirdoonku tuhmeen inay u fududeeyeen diridda lacagahaasi “Magaranayo qofkan weligiisna ilama uusan shaqeyn” Ayuu yiri Kulane Darmaan .

Sidoo kale dadka u xeran ciidamada FBIda Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Baasleey Saciid Macalin oo isagu la qabtay isagoo ka dhoofaya garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada San Diego,   Maxamed Maxamuud iyo Ciise Dhoore oo lagu xiray California, waxaana dhamaan dadkaasi lagu eedeeyay in ay xiriir dhow la leeyihiin kooxda Shabaab.

SomaliSwiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: