Abuu Zubeyr iyo Saraakiil Xarakada Al-Shabaab ah oo lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo shalay lala beegsaday.

Halkaan ka akhri

Hogaamiyaha Xarakada Al-Shabaab Axmad Cabdi Aw Maxamuud (Godane) iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan xarakada ayaa shalay fiidkii lagu dhaawacay weerar gaadmo ahaa oo lagula beegsaday kolonyo uu watay, inta u dhexeysa Degmooyinka Bu’aale iyo Saakoow ee gobolka Jubada Dhexe.

Inkastoo ay aad u yartahay xogta rasmiga ah ee ku saabsan cidda fulisay weerarkaas lala eegtay kolonyada Axmad Godane oo uu soo gaaray qasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayay hadana wararka kuwooda ugu badan sheegayaan inay fuliyeen maleeshiyo beeleedyo is abaabulay, halka wararka kalena ay siyaasadaynayaan arrinta.

Ilo wareedyo SomaliSwiss ku leedahay Al-Shabaab gudahooda ayaa sheegay in Axmad Godane iyo 8 sarkaal oo kale oo sadex ka mid ah yihiin Ajnabi lasoo gaarsiiyay xalay degmada Dayniile abaarihii 23.40 waqtiga Muqdisho, iyadoo lagu daawaynayo Isbitaal gaar ah oo xarakadu ku leedahay duleedka dambe ee u dhexeeya Afgooye iyo Dayniile, kaas oo lagu daaweeyo dadka qaaska ah.

Dhaawacyada kuwii sahlanaa oo dhan waxaa loola cararay isbitaalka Kismaayo oo xalay dhan mashquul ahaa, waxayna dadka deegaanku sheegeen in xalay fiidkii hore Isbitaalka ay buux dhaafiyeen Dhaawacyada Askartii ilaalada ahayad iyo qaar ka mid ah saraal ciidan oo xaaladoodu aysan qatar bahayn.Wixii warar dheeraad ah ee kasoo kordha arrimahaas markasta waxa sida ugu dhaqsiyaha badan idiin soo tebin doona SomaliSwiss oo indhaha ku haysa wixii soo siyaada.

SomaliSwiss Muqdisho, Kismayo, Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: