Wasaarada arimaha dibada ee dalka Yemen oo sheegtay in Xeebta Hadramut ay soo gaareen Tahriibayaal Soomaali ah.

Halkan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa sheegayaa in Wasaarada arimaha dibada ee dalkaas ay manta shaaca ka qaaday in saaka ay soo gaareen xeebta Hadramuut doomo yar yar oo ay saarnaayeen in ka badan 100 qof oo tahriibayaal Soomaali ah.

Sidoo kale Mas’uul  u hadlay wasaarada arimaha dibada ee dalka Yemen ayaa sheegay in labadii maalin ee la soo dhaafay dalkaasi ay gaareen dhowr doomood oo aad u yaryar kuwaasi oo ay saarnaayeen 104 ruux oo Soomaali kuwaasi oo si tahriib ah ku soo galay dalkaas.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in 100kq qof  tahriibayaasha ah ay u badan rag, balse la sheegay inay dumar ka yihiin 9 qof, halka sedax kalana lagu sheegay inay yihiin caruur, waxaana markii ay soo gaareen xeebaha Yemen gacanta ku dhigay ciidamada Booliska ee dalkaasi Yemen gaar ahaan kuwa Hadramuut.

Hase yeeshee  Ciidamada Booliska ee dalka Yemen ayaa sheegay inay baaritaano ku sameeyeen dadkaas, kadibna ay u gacan galiyeen hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, iyadoo durbadiiba la geeyay dadkaas xerooyin qaxooti oo ku yaala gobolka Shabwa.

 

SomaliSwiss     Cadan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: