Qaar kamid ah wakiilada hogaamayaasha Al-Shabaab oo ay dowladda Maraykanka xabsiga u taxaabtay.

Halkan ka akhri

Waaxda cadaaladda Maraykanka ayaa xabsiga u taxaabtay 3 nin oo Soomaali ah oo la sheegay in ay ka jawaabeen codsi toos ahaa oo uga yimid, hogaamiyihii Al-Shabaab Adan Ceyroow oo ay dowladda Maraykanka weerar gentaal ah ku dileen bishii May 2008.

Xeer ilaaliyaha degmada Koofureed ee gobolka California Laura Duffy ayaa sheegtay in Axaddii iyo Isniintii ina dhaaftay la qabtay 3-daas qof oo Soomaaliyeed mar ay isku dayeen inay ka baxaan dalka Maraykanka.

Waaxda Cadaaladda ayaa nimankaas ku eedeysayu inay si toos ah iyo si dadban intaba u taageereen, dhaqaalana ugu uruuriyeen ururka Al-Shabaab oo maraykanka ugu jira liiska argagixixsada.

nimanka la qabtay ayaa magacyadooda lagu sheegay Muxumad Maxamad Maxamuud, Basaley Saciid Macallin iyo Ciise Dorrax, waxayna waaxda cadaaladda Maraykanku sheegtay in nimankaasi u shaqayn jireen Aden Ceyroow.

Saraakiisha F.B.I-da ayaa sheegtay in Basaley la xiray Axaddii isagoo isku dayay inuu ka dhoofo San Diego, halka nimanka kale la xiray isniintii, waxaana maxkamado lasoo taago doonaa maalmaha Jimacaha iyo Arbacada.

SomaliSwiss Chicago

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: