Maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday dembiilayaal lagu soo eedeyey falal kala duwan.

Halkan ka akhri

Maxkamadda ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxay shalay xukun ku riday 11 qofood oo isugu jiray Ciidan iyo dad rayid ah.

Xasan Maxamed Xuseen oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda ciidanka Qalabka ayaa sheegay in shalay markii ay Maxkamadu ay dhegeystay dacwo lagu soo oogay 11 qof oo qaarkood ka tirsanaa Ciidamada Dowladda, laguna soo eedeyey in ay dil geysteen.

wxayna maxkamaddu sii daysay 7 qofood oo rayid ah kuwaas oo dambi lagu waayay.

Sida uu sheegay xaakinka waxay Maxkamaddu dil ku xukuntay Gacan ku dhiigle Dable Nuur Xasan Shire oo maxkamadda horteeda ka qirtay in uu gestay fal dil ah.

Sidoo kale Dable Ibraahin Cali oo isna ka mid ahaa dadkii shalay maxkamaddu xukunka ku ridday ayaa markii lagu caddeeyay dambigiisa lagu xukumay 2 sano oo xarig ah iyo in uu bixiyo qiimaha Qori AK47 ah oo lunsaday.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa sheegay in dhamaan maxaabiista ku xiran Xabsiga loo soo taagi doono Maxkamad i si looga baaqsado in dad aan dambi lahayn ay iska xirnaadaan kuwa dambiileyaal ahna aysan ciqaabtooda helin.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: