Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG oo ka dhacay xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir ee G/Banaadir.

Halkan ka akhri

Waxaa saakay ka dhacay Xaafadda Buula Xuubey ee Degmada Wadajir iska hor’imaad la sheegay inuu u dhaxeeyo ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ee soomaaliya, kaasoo soconayey muddo Saacado ah.

Sida lagu soo warramay Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ayaa rasaas xoogan isku ridayay, kuwaas oo ku wada sugnaa qeybo ka mid ah Xaafada Buula Xuubey Degmada Wadajir, waxayna isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ee loogu dhiibay inay qaranka ku difaacaan.

Sababta keentay  israsaaseynta iyo iska hor’imaadka dhex maray Askarta ka wada tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramay inay tahay barkoontarool oo laga qaado lacago shilin Somali ah oo la isku qabsaday.

Hase yeeshee lama ogaan ilaa haataan khasaaraha ka dhashay iska hor’imaadkaas ka dhacay xaafada Buula Xuubey degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: