Halkan ka akhri
Wasaaradda arrimaha gudahaa dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in dalkaasi laga mamnuucay in ay soo galaan xamuulka ka yimaada wadamada Soomaaliya iyo Yemen.
Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Ingiriiska  Miss Theresa May oo u warameysay Tv-ga Sky News ayaa sheegtay in ay joojiyeen xamuulka ay diyaaraduhu ka keenaan wadamada Soomaaliya iyo Yemen sababtaas ayey ku sheegtay inay ka cabsi qabaan in la soo raacsiiyo waxyaabo qarxa oo ay sheegtay inay farsameeyaan dad ka tirsan ururka Al-Qacida ee ka hawl gala Soomaaliya iyo Yemen.
Miss Theresa May waxay sheegtay in sidoo dadka loo ogolaan doonin inay qaataan boorsooyin culeyskoodu ka badan yahay 500 oo gram.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in amar ka soo baxay ra’isal wasaaraha dalkaasi Ingiriiska David Cameron lagu amray hay’adaha amniga iyo kuwa garoomada diyaaraduhuba inay indho gaar ah ku hayaan dadka ka imaanaya wadamada ay ka jiraan ururada hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qacida gaar ahan wadamada Somalia iyo Yemen.
Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa waxaybeegmaysaa iyadoo dhawaan la qabtay xamuul ay wadeen diyaarado ka tagay dalkas Yemen oo ay ku jireen waxyaabo qarxa kuna socday dalka Mareykanka taasoo keentay in wadamo badan oo reer galbeed ay ku dhawaaqaan iunay amaankooda illaaliyaan.
SomaliSwiss   London
Filed under: London UK |
You must be logged in to post a comment.