Midowga Afrika oo shaaciyey inay ballaarinayaan Tababarada ay siiyaan Ciidamada Dowladda KMG.

Halkan ka akhri

Saraakaalka Ururka Midowga Afrika uga qaabilsanarrimaha Soomaaliya ee magaciisu la yiraahdo Mr. Wafula Wamunyinyi ayaa shaaciyey in Ururka Midowga ay sii laba laabanayaan tababarada ay u fidinayaan Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya si dowladu u hesho ciidamo leh tababaro tayo leh.

In ka badan 800 Askari oo 200 ka mid ay yihiin sida la sheegay Saraakiil ciidan oo dhanka Booliska ah ayaa dhawaan waxaa tababar loogu qaadi doonaa dalal ka mid ah Afrika.

Ciidamadan booliska tababarka loo furayo qaar ka mid ah wadamada Afrika ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan sugidda Amaanka Caasimada dalka Soomaaliya ee  Muqdisho isla markaana Ciidamada AMISOM ee jooga Magaalada Muqdisho ay ku wareejin doonaan goobaha ay la wareegaan ee Aagaga dagaalada Muqdisho.

Ballaarinta tababarada loo samaynayo ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga Dowladda KMG ee soomaaliya ayaa imaanaya xili maalintii shalay uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamad C/laahi maxamad Farmaajo inuu muhimad gaar ah uu siinayo sidoo loo soo celin Ammaanka dalka gaar ahaan caasimadda dalka soomaaliya ee Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: