Halkan ka akhri
Maxkamadda dalka Kenya ayaa dib u dhigtay go’aan ka gaarida dacwadii la xiriira dhismaha safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi.
Dacwadan ayaa soo martay kala duwan ee soo taagnaa muddo dheer, taasoo ay Saxaafada qasab ku noqotay in ay daganaato dhismo Kira ah, hase ahaatee waxaa maanta ay ahayd maalintii lagu balansanaa in Maxkamaddu ay arrintaas go’aan ka gaarto, balse dib loo dhigay ilaa 7da Dicembar.
Nin Ganacsade ah oo  u dhashay dalka India ayaa ku doodaya inuu leeyahay ee uu ka iibsaday dhismaha iyo dhulka safaraadda, taasoo muran iyo buuq dhalisay islamarkaana muddo dheer la doonayay in Maxkamad ay go’aan ka gaarto.
Xubno uu ka mid yahay safiirka Soomaaliya ee magaalada Nairobi Maxamed Cali Ameeriko, ganacsato iyo xubno kale oo Soomaali ah ayaa maanta xaadiray maxkamadda oo maanta go’aankeeda la dhowrayay balse mar kale dib loo dhigay go’aanka Maxkamadaas.
Ugu danbeyntii Safaarada Soomaaliya uga wakiilka ah Dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in illaa 7 December dib loo dhigay Maxkamada markii Qaadiga sare Ee Maxkamada uu sheegay in weli ay baaritaana wadaan.
SomaliSwiss   Nairobi
Filed under: Nairobi |
You must be logged in to post a comment.