Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Eng. Nuune oo ka bad-baaday isku-day dil…

Halkan ka akhri

Eng C/risaaq Maxamed Cismaan Nuune oo horay u soo qabtay Gudoomiyanimada Gobolka Banaadir ayaa Xalay ka badbaaday isku-day dil kadib markii weerar lagu soo qaaday hoygiisa ku yaala magaalada  Muqdisho.

Sida lagu soo warramay Koox aan la garan ayaa Xalay Bambaanooyin ku weeraray hoyga Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir Eng C/risaaq Maxamed Cismaan Nuune oo isku-daygsasi ka badbaaday.

Waxaana la sheegay in dhowr Bam-gacmeed ay ku soo dhaceen gudaha hoyga mas’uulkan, waxaana mar qura la maqlay rasaas xoog badan oo ka dhacaysay gudaha guriga iyo dibvadiisa taasoo ay is-dhaafsanayeen raga qaraxa soo tuuray oo Bistoolado watay iyo Ciidanka ilaalada ee Eng. Nuune.

Ilaa haatan lama oga inta uu la egyahay khasaaraha ay gaysteen qaraxyada, balse dadka deegaanka ay aaminsan yihiin in Ciidanka ilaalada u ah Eng. Nuune qaarkood ay waxyeela ka soo gaartay qaraxyadaas, hase ahaatee  uu ka badbaaday mas’uulka la weeraray.

Gudoomiyaha hore ee Gobolka Banaadir Eng. Nuune oo gurigiisa ku yaalay Degmada Xamar-weyne ayaa lagu warramay in Xaaladda degmadaas ay saaka dagan tahay  sidoo kale waxaa la sheegay in Boliiska uu baaris ku wado dhacdadii lagu weeraray masuulkaas.

Si kasta ha ahaate qaraxyada nuucan ah ayaa waxay magaalada Muqdisho ka noqdeen kuwa si iska joogta ah u dhaca, waxaana inta badan la weeraraa dadka Dowladda u shaqeeya ama u shaqeyn jiray.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: