Halkan ka akhri
Wariyaha Shabakada SomaaliSwiss ee gobolka Gedo ee haatan  ku sugan magaalada xadka ee Mandheera ayaa saaka barqadnimadii inoo soo sheegay in dowladda Kenya ay soo dhoobtay Xaduuda Kenya ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaan Dhinaca Degmada Mandheera waxaana gebi ahaanba la xiray, lana joojiyay isu socodkii dadka iyo Gaadiidka ee labada dhinaca, kadib markii ay Deegaanadaasi dhawaan ka dhaceen dagaalo u dhaxeyay Ciidaadda Dowladda iyo Xoogaga ahlu-sna oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-Shabaab.
Dowladda Kenya ayaa deegaanka Mandheera soo dhoobtay Ciidan aad tira Badan si loo xoojiyo Amaanka Xaduuda oo loo Hubiyo isu socodka dadka kasoo Gudbaya Xaduuda Kenya oo Cabsi weyn ay ka qabto, ayna suurta-gal tahay in lagu soo dhex-dhuunto.
Sida kale Sanadii 2006dii ayay Dowladda Kenya gebi-ahaanba xertay Xaduuda labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya kadib Markii uu Amar ka soo baxay Dowladda Kenya taasoo hakad iyo Culeys weyn Gelisay dadka ka cararaya dagaalada aan dhamaadka  laheyn ee ka Jira Gudaha dalka Soomaaliya iyo Xaduudaha ay Soomaaliya la leedahay dalka Kenya.
Si kasta ha ahaatee waxaa haatan ku nool guud dalka Kenya Ku dhawad hal Milyan Qof oo Soomali aha, ha yeeshee waxaa badidooda ay ku Nool yihiin Xeryooyinka Qaxootiga ee Dalka Kenya,kuwaasoo oo ka soo Carareen dagaalada Sokeeye iyo Kuwa Siyaasadeed ee ka socday dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss    Mandheera
Filed under: Baidoa |
You must be logged in to post a comment.