Halkaan ka Akhri
Kulan ay manta isugu yimaadeen mudanayasha Baarlamaanka oo daqiiqado ka hor soo gebageboobay ayna ka soo qeyb galeen mudanayaal gaaray 391-Xikdhibaan, Isla marklaana uu gudoominjayay Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu ansixiyay Ra’isul wasaaraha cusub.
Mudane-yaal gaaraya 297 xildhibaan ayaa siiyay codka kalsoonida, 92-xildhibaan ayaa diiday, halka 2- xildhibaan ay ka aamuseen, waxaana codayntaas kadib uu afhayeenka Baarlamanka ku dhawaaqay in laga bilaabo saacadan uu ansax yahay Ra’islawsaare Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo, isagoo ugu duceeyay in Ilaah la garab galo xilka culus ee loo magacaabay, isla markaana uu si dhaqsi ah u soo dhiso golahiisa wasiirada.
Codeyntii Ra’isulwasaaraha ka dib ayaa la rakayay xildhibaanadii iska soo horjeeday oo isku sacab jiidayo, isla markaana dhoola cadeynaya oo si diiran ugu sacab tumay Ra’isulwaasaare farmaajo, iyadoo halkaasi uu ku soo dhamaaday khilaafkii mudada labada todobaad hareeyay xildhibanada kala fikirka duwanaa.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.