Waa sidee maaladda magaalada Muqdisho Shalay ilaa Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay ilaa iyo Saaka ka dhacayey magaalada Muqdisho ee G/Banaadir  dagaal u dhexeeyay Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Islaamiyiinta Mucaaradka.

Dagaalkan ayaa waxa ay ka dhacayeen Degmooyinka Hodon iyo Howl-wadaag ka dib markii Islaamiyiinta ay weerar xalay fiidnimadii ku soo qaadeen aagaga hore kaasi oo illaa saaka si goos goos ah u socanayay.

Sida lagu soo warramay dagaalkan oo aanay madaafiic badan la socon waxa uu sababay khasaare soo gaaray dad shacab ah, ka dib markii madaafiic ay ku soo dhaceen suuqa Bakaaraha xaafada ku dhow Aroornimadii hore ee Saaka .

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in madaafiic la isweydaarsanayey oo ku soo dhacayey xaafado u dhaw dhaw kulyada jaalle-siyaad iyo xaafado kale oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir waxaana ka dhashay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 4 qof kale oo dhamaantood ahaa sida la sheegay dad rayid ah.  

Dhinaca kale saaka waabarigii ayaa qeybo ka mid ah degmooyinka C/casiis, Shibis Boondheere iyo Hodon, waxaa markale ka biloowday iska hor imaadyo goos soos ah  oo dhemarayay ciidamada  AMISOM iyo kuwa xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyadoona ay barbar socdeen madaafiic ay is weeydaarsanayeen labada dhinac.

Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa xalay ku hoyday gudaha Suuqaasi kadib markii uu xirmay jidka Warshadaha oo ah wadada kaliya ee loo isticmaalo marinka gaadiidka.

Dadkii xalay ku hoyday suuqa Bakaaraha oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in habeenkii xalay ahaa ka dibad saaxdeen guryahoodii ama deegaanada duleedka Magaalada Muqdisho oo ay u hoyan jireen.

Hase yeeshee Sababaha keenay dibad saaxashada dadka ganacsatada ah  ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka AMISOM ee xarunta ku leh Jidka Warshadaha ay baaritaano xoog leh ka sameeyeen wadada iyagoona xiray laamiga xiligii ay baaritaanka wadeen.

Sarakac qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha ayaa gaaray ku dhawaad 1$ hal dollar taasi oo qiimo koror ku keentay dadka aan awooda u lahayn in ay ku raacaan gaadiidka BL-ka.

 

Balse Xaalada ayaa saaka aroornimadii hore waxa ay ahayd mid aad u kacsan waxaana jawiga uu dagay xilli danbe oo dadka ay dhammaan ku dhiiradeen in ay gaaraan dhulka ay ku ganacsadaan.

Si kasta ha ahaatee ma jiraan wax guulo ah oo ay kala sheegteen dhinacyada dagaalamay oo looga bartay in ay ku faanaan khasaaraha dhiigga shacabka maatada ah ay isgaarsiiyaan iyo mida ka soo gaartay dagaalka dhexdooda ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: