Halkaan ka Akhri
Shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed ah oo ay kasoo qayb galayaan dhammaan kooxaha ku loolamaya talada dalka Soomaliya ayay qabanqaabadiisu ka socotaa caasimadda dalka Ugandha ee Kampala.
Warar hoose oo laga helay Madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya Mahiga uu farriintaas soo gaarsiiyay madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamanka mar dhowaan booqasho dhex dhexaadin ah ku yimid magaalada Muqdisho.
Shirkaas ayaa la sheegay in ay kasoo qayb geli doonaan Soomaali kala duwan, waxaana wax yaabah xoogga lagu saari doono ka mid ah; in Soomaaliya loo dhiso dowlad aan ku meel gaar ahayn iyo in tirada xubnaha baarlamanka lagu soo koobo tiro yar oo aan ka badnayn 200, halka wasiiradana laga rabo inaysan ka badan 20.
Shirkaas oo la qorshaynayo inuu furmo bilaha ugu horeeya ee sanadka cusub 2011-ka ayay haatan socotaa qaban qabadiisu, sida ay sheegayaan warar kala duwan, waxaana xogtaasi tilmaamaysaa in marka shirkaasi soo gabagaboobo ay Qaramada Midoobay ansixi doonto ciidan nabad ilaalineed oo gaaraya 20,000 askari oo la geeyo Soomaaliya.
SomaliSwiss Kampala
SomaliSwiss@hotmail.com
You must be logged in to post a comment.