Ciidamada AMISOM oo dib u furay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho

Halkaan ka akhri

Sida laga warqaba waxaa ilaa iyo shalay xirneyd wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, balse Saaka  dib u furantay, ka dib markii ciidamada AMISOM ay xireen.

Wadada Warshdaha ayaa Saaka gaadiidka waxay u isticmaalayaan si caadi ah, mana jirto wax dhibaato ah oo halkaasi ka jira.

Sida uu sheegay mid ka mid ah darawalada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya wadada Warshadaha, in wadadu ay shaqeyneyso, wax dhib ahna aysan saaka lagala kulmin.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramay in dad badan aysan xalay ku hooyanin guryahooda ka dib markii ay xirantay wadada Warshadaha oo ah mida keliya ee waqtigan shaqeysa gudaha magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay ku soo sikadeen wadada, ka dib markii dhowr jeer qarax lagula beegsaday halkaasi.

Shalay galab ayaa ciidamada AMISOM waxaa ay gebi ahaanba xireen wadadaasi ka dib markii qaraxii u dambeeyay uu ka dhacay halkaasi goor shalay aheyd.

Hase yeeshee saaka ayaa wadada waxay  ahayd mid caadi ku soo laabatay isku socodkeeda iyo dhaq dhaqaaqeeda caadiga ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: