BAARLAMANKA KMG SOOMAALIYA OO MAANTA U CODAYNAYA KALSOONI SIINTAYA RA’IISUL-WASAARE MAGACAABAN.

Halkaan ka akhri

Baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa maanta ku kulansan Xildhibaanada barlamaanka ee baryahan si gooni gooni ugu hilba cunayey habka uu noqonayo Kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Magacaaban Mudane  Max’ed Cabdullaahi Maxamuud (Farmaajo) oo muddaba laga hor istaagnaa  Kalsooni u qaadidda guda gelida howlihii loo igmaday.

Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya oo muddo isku khilaafsanaa qaabka loogu codaynayo Kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa maanta u dhaqaaqayey sidii kalsoonida siinta masuulkaasi loogu codayn lahaa.

Ra’iisul wasaaraha Max’ed Cabdullaahi Maxamuud (Farmaajo) ayaa maanta rajo ka qaba in la siiyo codka kalsoonida oo qaab gacan taag ah loogu codaynayo ka gadaal markii muddo lagu muransanaa qaabka kalsoonida lagu siinayo masuulkaasi.

Hase yeeshee Xildhibaanada Baarlamaanka oo horay ugu kala fakir duwanaa qaab codaynta mas‘uulka xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay oo xildhibaanada qaarkood ay diidanaayeen in loogu codeeyo qaab qarsoodi ah halka qarakood ay ku doodayeen in codaynta laga dhigo gacan taag.

Waxaa saaka la soo sheegayaa in mudanayaasha ay gaareen guriga Umada si ay shaqada codaynta mas‘uulka cusub ee mudada buuq la geliyey kalsoonida loo qaadi lahaa, ayaa haatan uu rajeynaya in la siiyo kalsoonidii uu ku howl geli lahaa.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: