Halkaan ka akhri
Wararka naga soo gaarayaa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mid ah qoysaskii faro ku tiriska ahaa ee ku harsanaa degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo qeybo ka mid ah Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta bilaaween inay isaga barkacaan guryahooda ka dib markii ay saameeysay duqeymaha maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in maalmihii la soo dhafay qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ay marti u nqodeen madaafiic xoogan ciidmada AMISOM iyo kuwa ka soo horjeeda ay isweydaasanayeen kuna dhacayey degmooyinka G/Banaadir gaar ahaan xaafadaha ku teedsan Suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa madaafiicdaasi waxaa ay sababatay in dadkii faro ku tiriska ahaa ee ku haray degmooyinka Shibis, C/casiis, Kaaraan, Hodan, Howlwadaag iyo Wardhiigleey inay isaga barkacaan guryahoodii.
Waxana dadka ka barakacay xaafadahooda ay beegsadeen dhaba xiriiriya Muqdihso, Afgooye iyo waliba inta u dhaxaysa magaalada Xamar iyo deegaanka Ceelmacaan ee gobolka Sh/dhexe, iyadoo boosteejooyinka gawaarida laga raaco ee magaalada Muqdisho lagu arkayay Haween iyo Caruur farabadan kuwaasi oo doorbidaya inay ka baxsadaan dagaalada iyo duqeymaha is bar bar socda ee inta badan ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Barakaca saaka ka socda Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaa barakac dhowr jeer oo hore ka dhacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
Si kasta ha ahaatee Barakacan ayaa wuxuu imaanayaa xili daandaansiga iyo weeradda joogtada ah ee ay ku hayso Xarakada Al-shabaab ciidamada AMISOM, kadibna AMISOM ay duqeyn xoogan ku garaaceen xaafadaha ay u maleeyaan in dagaalka loogu soo qaadayo, taasoo keentay in dadka guryahoodii isaga cararaan.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.