Halkaan ka akhri
Waxaa maanta lagu soo gabgabeeyay Magaalada Muqdisho tababar ku saabsanaa habka loo dhaliyo, islamarkaasna loo maareeyo nabadda oo maalmahan ka socday Hotel Saxafi labo, waxaana tababarkan soo agaasintay Hay’adda CDHR (Center for Democracy and Human Right), waxaana tababarkaas la siiyey 30 qof oo ka tirsan Ururrada Bulshada oo 25- xubnood ka mid ah ay ahaayeen haween.
Sidoo kale tababarkan waxaa gacan ka geysatay hay‘adda NED (National Endowment for Democracy), ayaa waxaa la sheegay in duruustii laga bixinayay ay ku saabsanaayeen sida lagu heli karo nabad iyo habka loomaareyn karo, iyadoo ka qaybgalayaasha lagu boorriyay inay dhismaha nabadda ka soo billaabaan hoos.
Qaar  ka mid ah Macallimiintii casharrada bixinayay, ayaa xusay muddadii uu tababarku socday in nabadda Soomaaliya lagu heli karo isku-duubnaan, isla markaana ay haweenku yihiin kuwo laf-dhabar u noqon kara sameynta nabad waata oo lagu soo dabbaalo Soomaaliya.
Dhanka kale Basro Xuseen Daa’uud, oo ka socotay hay’adda (Access Consultant Firm) kana mid ahayd Macallimiintii casharrada bixinayay ayaa aad ugu dheeraatay sida loo heli karo nabad waarta, waxayna carabka ku adkeysay si nabad Soomaaliya looga dhaliyo loo wada guntado, isla markaana bulshada ay qayb ka qaadato curinta nabaddaas.
Hase yeewshee Basro Xuseen waxay sheegtay in loo baahan yahay da’yar dhexda u xirata sidii dalka looga samatabixin lahaa dhibaatooyinka raagay ee uu ku jiro, iyadoo ku baaqday in casharradii laga faa’iideystay tababarka lagu shaqeeyo si ay suurogal u noqoto in la helo nabad deg-deg ah.
Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Prof. Xirsi Xaaji Culusow, oo ka socday hay’adda tababarka soo qabanqaabisay ee CDHR, wuxuuna ku nuux-nuusaday inay u taagan yihiin sidii ay isugu keeni lahaayeen bulshada qaybaheeda kala duwan, si ay isku dhaafsadaan fikrado wanaagsan, oo ay ka mid tahay in laga shaqeeyo nabad u helidda dadka iyo dalka Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee waxaa ugu dambeyntii, halkaas hadal ka soo jeedisay Xaliimo Macallin Abiikar oo ka socotay ururka haweenka gobolka Banaadir ee HANAD, iyadoo u mahad-celisay Hay’adda CDHR oo ay ugu baaqday in la balaariyo tababarrada noocan oo kale ah si ay bulshadu uga faa’iideysato.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.