Halkaan ka akhri
Ilo wareedyo ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaailya Sheikh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, ayaa la sheegay in xal logu qaboojinayo laga gaaray, kaddib kulammo dhowr ah oo ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, labadii casho ee ugu dambeeyay.
Sida la wada ogsoon yahay Madaxweynaha iyo guddoomiyaya ayaa waxay isku khilaafsanaayeen qaabka loogu codeynayo Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee DKMG ah, balse hadda  intii hore isaga soo dhawaaday labada Mas’uul.
Dhanka kale war laga soo xigtay saraakiil ku dhow labada mas’uul  ayaa waxay Rajo weyn laga qabaa in cod gacan-taag ah lagu ansixiyo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, maadaama ay madaxda dowladdu u muuqdaan kuwo heshiis ka gaaray khilaafkii u dhexeeyay.
Sida runta ah Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif, iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan ayaa kala qabay laba aragti oo iska soo horjeeda, taasoo sababtay inay dib u dhacaan fadhiyo la doonayay in ra’iisul wasaaraha magacaaban kalsoonida lagu siiyo.
Hase yeeshee Shariif Xasan, ayaa qabay in codka laga dhigo qarsoodi, halka Madaxweynuhuna uu qabay in laga dhigo gacan-taag, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee la helay Xarunta Madaxtooyada ay sheegayaan inay isku raaceen in codka laga dhigo mid gacan-taag ah.
Si kasta ha ahaatee Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa la filayay in maanta ama berry ay yeeshaan fadhi codka loogu qaadayo Ra’iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo berri, codkana loogu qaado ra’iisul wasaaraha oo laga sugayo inuu soo dhiso xukuumad.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.