Halkaan ka akhri
Dowladda Mareykanka ayaa cambaareyn dusha uga tuuray maamulka xarakada Al-Shabaab dilkii ay ku fuliyeen labo gabdhood gudaha magaalada B/weyne kuwaasi oo lagu eedeeyay basaasnimo.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa wuxuu sheegay in dadka falkaas ku dhaqaaqay inay yihiin dad rabay inay argagax u ridaan Bulshada Soomaaliya, hase ahaatee kuma ay guulaysanayaan ujeedadooda,
Afhayeenku wuxuu  falkaas ku tilmaamay wax ka baxsan bini’aadanimada ee maamulka Xarakada Al-Shabaab ee gobalka Hiiraan uu sameeyay.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa ku sifeeyay dhacdadaasi inay ka tarjumeyso sida Al-Shabaab aysan u dooneynin nabad iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya.
Sida aad la socotaan Todobaadkii hore gudahiis ayay aheyd markii labo gabdhood oo in ay u basaasayeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya lagu toogtay oo lagu dilay fagaaro ku yaala magaalada B/weyne.
SomaliSwiss     Washinton
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.