Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Qarax miino lagula beegsaday wadada Warshadaha.

Halkaan ka akhri

Waxaa Saaka barqadnimadii qarax miino oo aad u xoogan lagula beegsaday ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi iyagoo marayey wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Sida la sheegay qaraxan ayaa ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa saakay ciidamadaas kula qarxday meel u dhow Kulyadda Jaalle-siyaad ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan Ciidamada  Midowga Afrika ku sugan ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramay in qaraxan lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamada Burundi iyagoo tilmaamay in halkaasi uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray ciidamadii qaraxa lala eegtay, Inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn tirada ciidan oo ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaas.

Hae yeeshee waxaa la sheegay in daqiiqado ka dib markii uu qaraxa dhacay ay ciidamada Burundi waxay hakad galiyeen isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee wadada Warshadaha oo aheeyd wadada kaliya ee u furan isku socodka labada dhinac ee magaalada Muqdisho.

 

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: