Halkaan ka akhri
Warka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay sii kordhaya Khasaarihii ka dhashay duqeymo shalay galab ilaa xalay oo ay ciidamada AMISOM ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxaa jira Hay’ado u ololeeya Xuquuqda Aadanaha oo eedeymo la xiriira duqeymahaas u sii soo jeediyeen ciidamada AMISOM ee ka howl gela  magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen duqeyntaas ay ka dambeeyaan AMISOM.
Â
Sidoo kale waxaa jira in wax laga weydiiyey Mas’uuliyiinta ciidamada AMISOM duqeymada ka socota magaalada Muqdisho waxayna sheegeen in ay jirto balse ay iyagu aan si micno la’aan ah u ridin Madaafiicdaas, ha yeeshee ay tahay kuwa ay kaga jawaabaabayaan Kooxaha Nabad diidka oo hoobiyaha iyo Madaafiicda la soo beegsada shaldhigyada iyo xarumaheena.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in nabad-diidku ay ku dhuumaalaysanayaan degmooyinka Howlwadaag, Hodan, Wardhiigleey, Shibis, C/casiis iyo Kaaraan sidaas darteed annagu waan iska difaacaynaa ayey yiraahdee Mas’uuliyiinta Ciidamada AMISOM.
Inta la’ogyahay madaafiicdii dhacaysay shalay ilaa xalay waxaa ku geeriyooday 7-qof halka 20-kaalana ay ku dhawacmeen iyadoo la geeyey dhaawacyadasi Isbitaalada magaalada Muqdisho.
Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Elman Cali Sheekh Yaasiin Cali (Fadhaa) waxaa uu ku eedeeyay madaaficadaasi lagu garaacayay degmooyinka gobolka Banaadir islamarkaana gaysatay khasaarooyinka dhimashada, dhaawaca iyo barkaca sababteeda ay leeyihiin ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, balse cali sheekh ma uusan ka hadalin nabad diidka  soo tuuryeynaya ciidamada nabad Ilaalinta loo keenay Soomaaliya, halkaas waxaa ka cad inuusan ka hadli karin dhibka ay geysanayaan dhinaca kale.
Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Elman oo hadlkiisa sii wata ayaa waxaa uu ugu baaqay ciidamada AMISOM, dhinacyada ka horjeeda dowladda iyo dowladda KMG Soomaaliya ay joojiyaan madaafiicda ay isweedaarsanayaan islarmkaana ku dhacayso goobaha dadka rayidka ah ay ku badan yihiin sida uu tilmaamay.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.