Xarakada Al-Shabaab ee maagaalada Baladweyne oo xukun dil ah ku fulisay Laba Haween ah.

Halkaan ka akhri

Xarakada  A-lshabaab ee maagaalada Baladweyne oo xukun dil ah ku fulisay Laba Haween ah waxaana lagu soo eedeeyey denbi Jaasuusnimo.

Waxaa la soo sheegay in Fagara ku yaala Baladweyne ay Al-Shabaab ay xukun dil ah kula fulisay Laba Haween ah oo lagu sheegay in ay ahaayeen Jaasuusiin u adeegayay Ethiopiaiyo Dowlada.

 

Labadan Haween ah ee shalay lagu dilay Magaalada Baladweyne ayaa Waxaa lagu eedeeyay labadooduba howlo basaasnimo ah oo ay u samaynayeen Dowlada iyo Ethiopia.

Sidoo kale Fagaarahaas ayaa waxaa  isugu soo baxay dad badan kadibna lagu hor toogtay labada haween oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen ciiadmada Dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo maalmihii la soo dhaafay weeraro ku hayay Alshabaab.

Hase yeeshee labadan Haweenka ah oo  fagaaraha ka qiray falka ay shabaabka ku Eedeeyeen ayaa waxaa lagu toogtay meel fagaara ah oo haween ,Caruur iyo dad da’ahba ay joogeen oo la isugu keenay si ay xukunka u daawadaan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Alshabaab ee G/Hiiraan Sheikh Yuusuf Cali Ugaas ayaa digniin u jeediyay bulshada qeybaheeda kala duwan inay ka fogaadaan arrin Jaasuusnimada ah ee haweenkan loo dilay.

Hase ahaatee Guddoomiyuhu waxa uu sheegayin ay ku raad joogaan dad badan oo Baladweyne ku sugan oo falka jawaasiista ah ku howlan kuwaasi oo uu u dhaartay hadii ay soo qabtaan in la marsiinayo wadadii la mariyay Haweenka shalay la dilay.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: