Halkaan ka akhri
Nabadoon Axmed Diiriye Cali qq ah Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa baaq u kala diray Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan oo khilaaf soo shaac baxay uu ka dhaxeeyo.
Afhayeenka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay khilaaf hadda mar kale dib looga maqlay dowladda KMG oo ay horyaalaan shaqooyin fara badan, isla markaana loo baahan yahay xal laga gaaro.
Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ka codsaday Shariif Xasan iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed in ay isku tunaasulaan isla markaana la fiiriyo Dhibaatada ay ku jiraan ummada Soomaaliyeed.
Hadalka ka soo baxay Odayaasha Hawiye ayaa imaanaya xili khilaaf sababay u codaynta baajinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub uu wali ka dhex jiro hogaanka Dowladda KMG ee Soomaaliya.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.