Halkaan ka akhri
Khilaaf maaliyadeed ee hore oo keenay inay ku kala tagaan Switzerland iyo Jarmalka ayaa haatan lagu dhameeyey fadhi waji ka waji ah oo ay yeesheen Wasiirada Maaliyadda labada wadan Hans-Rudolf marz iyo Wolfgang Schäuble oo shalay kala saxiixdeen caddeymo wadajir ah oo meel dhexe la isugu keeni doono xisaabaadka maaliyadeed ee la xiriira Is dhaafsiga Canshuuraha labada dhinac.
Dowladda Switzerland ayaa inay dhamayso xurgufta Maaliyadeed ee ka dhexeeyey iyaga iyo dalka ay deriska yihiin ee Jarmalka , sida ay horeyba ula soo heshiisay dalka Ingriiska, taasoo la xiriirta isu gudbinta warbixina maaliyadeed ee Canshuuraha ee shirkadaha , Ganacsatada iyo dadka wadamadaas u dhashay ee ka shaqaysta Wadamadaas.
Kulankii lagu Saxiixayey heshiiska labada dal Ingiriiska iyo Switzerland ayaa la sheegay inay ku dhammaatay Jawi Saxiibtannimo, inkastoo ay horay xurguf weyn u soo dhax gashay xiriirla labadaas Wadan; hase yeeshee arrinta ayaa ku soo beegmayso in wasiirka Maaliyada ee dowladda Federaalka Marz oo la sheegay in maanta oo khamiis uu ka tegayo xafiiska Wasaaradda Maaliyadda, taas oo noqon doonto Jagadii ugu danbeysay uu ka qabto Konfederaalka Swisska , wuxuuna furaha xafiiskaas ku wareejin doonaa Marwo Eveline Widmer Schlumpf,
Si kasta ha ahaatee heshiiskan ayaa waxaa ugu muhimsan in Swissku uu dalka Jarmalka u gudbiyo magacayada iyo xisaabaha ay soo dhigteen dadka u dhashay Jarmalka Bankiyada dalkan Swisska
SomaliSwiss Swissinfo
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Zurich Swiss |
You must be logged in to post a comment.