Mas’uul ka tirsan ciidanka dowladda KMG ee gobolka Bakool oo ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Rab-dhuure.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya degmada Rab-dhuure ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka ay dagan tahay xaalada guud ee deegaanka Rabdhuure, halkaasi oo uu dagaal xoogan shalay ku dhexmaray ciidamo taabacsan dowlada KMG Soomaaliya iyo xarakada Al-Shabaab.

Mas’uul ka tirsan ciidanka dowladda KMG ah ee gobolka Bakool ayaa sheegay in guulo ay ka gaareen dagaal maleeshiyada Al-Shabaab ay shalay kula galeen degmada Rab-dhuure, wuxuuna intaasi sii raaciyay in dagaalkaasi ay ku dileen 30 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal Ciidamada Dowladu ay Maleeshiyaadka Shabaab maalintii shalay kula galeen Degmada Rabdhuure, isagoo intaa ku daray in Ciidamada Dowladu ay ku guuleeysteen qorshihii ay dagaalkaasi ka lahaayeen.

Gudoomiyaha Degmada oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaa raaciyay in Ciidamada Dowladdu ay  weerareen Maleeshiyaadka gacanta ku hayay degmadaasi,  isla markaana sida uu sheegay ay halkaasi ku dileen Sodon ka mid ah Maleeshiyaadka halka Afartan kalena ay ku dhaawaceen, kadib dagaal culus oo saacado badan socday oo halkaasi ka dhacay.

Mas’uulkan ayaa tibaaxay in Ciidamada Dowladda ay dagaalkaasi kaga geeriyoodeen 3 Askari, 7kalena ay ku dhaawacmeen, wuxuuna tilmaamay in Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyada xarakada al shabaab ay weli is hor fadhiyaan, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay la wareegida gacan ku heynta degmada Rab-dhuure.

Dagaalkan ayaa qeyb ka ah dagaalada ka soconaya qeybo ka mid ah Gobolada dalka ee  ay isaga horjeedaan Ciidamada dowladda iyo Kuwa Al-Shabaab, kuwaas oo dowladdu ay ku doonayso in dalka ay ugu xoreeyo Xarakada Al-shabaab oo  Gobollada dadka Soomaaliya intiisa badan ay ka taliso.

SomaliSwiss Rab-dhuure

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: