Hey’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR) oo sheegtay in illaa 60,000 oo qof ay ka barakaceen dagaaladii ka dhacay degmada B/Xaawo.

Somali & Inglish

Halkaan ka akhri

Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR ayaa walaac ka muujisay xaaladda ay ku nool yihiin 60,000 kunoo barakacayaal Soomaali ah oo ku go’doonsan in ka badan Toban tuulo oo hoostaga Degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Afhayeen u hadashay Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Q/midoobay ee UNHCR Ropert Ruzzo ayaa shaacisay in dadkii ka barakacay dagaaladii todobaadkii tegay degmada Balad xaawo ee G/Gedo ku dhexmaray Cutubyo ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Maleshiyada kooxda Al-Shabaab ay iminka ku nool yihiin ilaa iyo Toban Tuulo oo hoostaga magaalada Balad Xaawo, waxaana ay ka dayrisay xaaladda nololeed ee ay dadkasi ku noolyihiin.

Sidoo kale Miss Ruzzo waxay daboolka ka qaaday in Dowladda Kenya ay ka codsanayaan sidii dadkaasi barakacayaasha ah ee ku dhibaataysan deegaanada hoostaga degmadasi loona ogolaado in ay ka talaabaan xadka dalka Kenya uu la wadaago dalka Soomaaliya si ay u helaan meelo ka nabdoon goobaha ay hadda dadkaas ku sugan yihiin.

Afhayeenadda u hadashay Ha’yadda UNHCR ayaa xustay in dadkii ka gudbay xadka Soomaaliya ee gaaray magaalada Mandheera ee wadanka Kenya ay ku jiraan nolol aad u liidata, kuwaasi oo ay xustay in ay u baahan yihiin in la gaarsiiyo gar gaar bani’aadanimo oo ay ugu horeyso cunno, daawooyin iyo waxyaabo ay hooy ka dhigtaan dadkaasi barakayasha ah ee dhanka dalka Kenya gaaray.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli maalintii shalay ay Q/Midoobay shaacisay in bilihii la soo dhaafay dalka Soomaaliya ay ka barakaceen hal Milyan iyo bar oo qof, kuwaas oo 614,000 ka mid ah  ay iminka ku nooly ihiin wadamada dariska la ah Soomaaliya.

SomaliSwiss Genève

SomaliSwiss@hotmail.com

UN: 60,000 Displaced by Fresh Fighting in Somalia

The United Nations refugee agency says 60,000 Somalis have fled their homes over the past week because of fighting on the Somalia-Kenya border.

 

An agency spokesperson said Tuesday that at least 10 people have been killed in clashes between al-Shabab militants and pro-government forces in the town of Bula Hawo.  Earlier reports had put the death toll at more than 25.

The agency says most of those displaced by the violence have fled to neighboring villages or crossed the border into Kenya.  It says most of the 40,000 displaced within Somalia are living under trees, with no shelter, food or water.

The U.N. says there are now more than 1.5 million displaced people in Somalia and 614,000 Somali refugees in neighboring countries.

Somalia has experienced nearly two decades of violence and lawlessness since the fall of the last stable central government.

 

Islamist militants and pro-government forces fight almost daily in the capital, Mogadishu, and clash frequently in other regions as well.

Source: AFP

SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: