Halkaan ka akhri
Waxaa socdaal kooban ku tagay magaalada Muqdisho Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qabilsam Soomaaliya Augustine Mahiga, waxaa uuna kulan kula yeeshay garoonka diyaaradaha Aden Ade International Airport Madaxweynaha dowladda KMG iyo Gudoomiyaha Baarlamanka.
Kulanka ayaa ahaa mid albaabadu ay u xirnaayeen, waxaana Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qabilsan Soomaaliya uu ugu horeyn u madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baralamanka u gudbiyay fariin uu kaga waday beesha Caalamka, taasoo ku aadaneyd sida ay uga xun yihiin soo daahida Shaqada Ra’iisul wasaaraha cusub oo maalmihii la soo dhaafay ay isku khilaafsanaayeen Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Barlamanka.
Dr. Augustine Mahiga wuxuu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la dadadjiyo ansixinta Ra’iisul wasaaraha si uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo dhiso xukuumad dar dar galisa howlqabadka laga sugayo iyo sidii bulshada caalamku ay ula dhaqeyn laheeyd.
Sidoo kale masuuliyiintan ayaa kulankooda ku soo hadal qaaday ciidamadii 20 kun ahaa ee dhawaan ay codsadeen midowga Afrika in loo soo diro Soomaaliya, warku wuxuu intaas ku daray in arintaas dadaalkeedu ay meel wanaagsan marayso islamatkaana dar dar galinteeda laga sugayo xukuumada uu soo dhisayo Ra’iisul wasaaraha cusub.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxweynaha C/rashiid Khaliif Xaashi oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in kulankaasi ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobya uu uga codsaday masuuliyiinta dowladda inay dardar galiyaan sidii ay uga tanaasuli lahaayeen khilaafka dhexdooda ah islamarkaana ay u ansixin lahaayeen Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed isagoo madaxda dowladda ka codsaday inay dib ugu laabtaan axdiga dowladda KMG.
Waxaa kaloo Augustine Mahiga uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee TFG-da waxaana uu sheegay in taasoo aan lagu gaari karin is jiid jiidka ka dhex jira masuuliyiinta sar sare ee dowladda KMG Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee waxaan la hubin in kulankii ay Maanta wada qaateen ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Madaxweynaha dowladda KMG iyo gudoomiyaha Barlamanka in uu wax ka badali doono murunkii ku aadanaa ansixinta Ra’iisul wasaaraha ee Maalmihii la soo dhaafay ka dhexjiray Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Barlamanka,
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.