Ciidamada NATO oo si xoog ah ku soo furtay markab laga leeyahay dalka Jarmalka, oo u afduubnaa burcad badeed.

Halkaan ka akhri

Ciidamada NATO ee ilaaliya Badweynta India oo halkaas u jooga ka hortaga Burcad Badeeda Soomaalida ah ee ka afduubta Maraakiibta isaga gooshta Badda Cadmeyd iyo badweynta ayaa sheegay  in ay si xoog ah ku furteen markab laga lahaa Dalka Jarmalka.

Markabkan oo laba maalin ka hor laga soo afduubtay meel ku dhow xeebaha Dalka Kenya ayaa Ciidamada Iskaashaanbuurta NATO ay ku soo furteen si xeelad  dagaal ah.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in NATO ay xoog isticmaaleen kuna fureen rasaas xoogan kooxaha Burcad Badeeda oo joogay xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan Xeebta Hobyo halkaas oo ku sugnaa Markabka Jarmalka ee laga soo afduubtay meel ku dhow xeebaha Dalka Kenya.

Si kastaba soo furashada markabka jarmalka ee Ciidamada NATO xoog ku soo furteen ayaa ah talaabo ku dayasho ah oo horay u qaadeen Ciidamada Faransiiska oo tiro laba jeer ah xoog ku maquuniyey kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.

SomaliSwiss Hobyo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: