Xaaladda degmada Cadaado oo aad u kacsan iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo cambaareysay dilkii ka dhacay magaaladaas.

Halkaan ka akhri

Xaaladda Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa inay kacsan tahay, kadib markii shalay dil loogu geystay Culumaa’udiin iyo kooxo la sheegay in ay dilalkaasi fuliyeen oo ay Dileen Ciidanka Amaanka.

Hase ahaatee xiisadan ayaa timid kadib markii shalay lagu dilay bartamaha Magaaladaas Sheikh Axmed Geesdiir iyo Sheikh C/kariin Cusmaan oo ka mid ah Culumaa’udiinka ugu caansan Degmada Cadaado ee Gobolka Mudug.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in howlgalo la xiriira dilakaas oo ay sameeyeen Ciidamada Amaanka waxay soo qabqabteen 6 ruux oo lagu eedeeyey ku lug lahaanshiyaha dilalka Culumaa’udiinka, waxaana xalay la dilay afar ka mid ah raggii loo qabtay dilalka culumada, waana arrinta keentay in xaalada degmada noqoto mid Jahwareer ah.

Maamulka Goboleedka ximin iyo Xeeb ayaa waxay sheegeen in ay sugayaan Amaanka siina wadayaan howlgalada lagu baadi goobayo dad kale oo ku lug leh falalkii lagu dilay Culumadaasi caanka ka ahaa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Bartamaha Dalka Soomaaliya

Dhanka kale Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca ayaa si kulul u Cambaareeyey dilalkii Degmada Cadaado loogu geystay laba Culumaa’udiin oo caan ka ahaa degmada iyo deegaanada kale ee Gobolka Mudug.

Madaxa Warfaafinta Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca Sheikh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi ayaa cambaareeyey falkii lagu dilay labadaasi Culumo, wuxuuna sheegay in ay ka xun yihiin dhacdadii shalay degmada Cadaado ee dilka loogu geystay Culumada kala ah Sheikh Axmed Geesdiir iyo Sheikh C/kariin Cusmaan.

Hase yeeshee Ā Madaxa Warfaafinta Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca Sheikh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi ayaa waxa uu ku tilmaamay dilalkii Afarta ruux loogu geystay xalay degmada Cadaado ā€arrin lagu deg degay”, kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay falalka dilka ah geysteen.

Si kasta ha ahaatee hadalkan ayaa wuxuu soo beegmayaa xili shalay iyo xalay dilal ay ka dhaceen degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, balse saakay xaalada degmadaas ay kacsan tahay, dadkuna ay jahawareersan yihiin!.

SomaliSwissĀ Ā Ā Ā  Cadaado

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: