Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya oo soo saartay warqad Qeexid sharciyada lagu ansixinaayo ra’isal wasaraha cusub.

Halkaan ka akhri

Waxaa maalmahan hareeyey Siyaasadda dalka Soomaaliya is qabqabsi sharciyadeed ee la xiriira habka ansixinta ra’isal wasaaraha Cusub ee uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Sheikh Shariif, sidaas awgeed waxay Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya maanta qoraal lagu qeexayo Qaabka sharciga ah ee loo ansixinaayo Wasiirka 1aad ee Madaxweyne Sheikh shariif soo magacaabay, Wuxuuna u qornaa Sidatan:-

Maxkamada sare fadhi ay qaadatay shalay oo Isniin ahayd 25/10/2010:-

Waxay fasiraad sharci ka bixisay warqad uu soo gudbiyey Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, warqaddaas oo summaddeedu ahayd JS/XM/188/10/10, kuna taariikhaysan 24/10/2010, ujeeddadeeduna ay ahayd waydiisasho sharci kalsooni siin Ra’iisul Wasaaraha (Qodobka 82, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurka 1960-kii.)

Maxkamaddu:

Markay deristey, kana baaraandegtey qoraalkii uu u soo gudbiyey Xafiiska Madaxweynaha.

Markay aragtay qodobka 55-aad faqraddiisa 7-aad, hubisayna awoodda ay u leedahay fasiraadda sharciga.

Markay aragtay qodobada 33-aad faqraddiisa 5-aad, 44-aad, 49-aad, 71-aad ee Axdiga Ku-Meelgaarka ah.

Markay aragtay qodobka 82-aad faqraddiisa 2-aad ee Dastuurka 1960-kii.

Markay aragtay qodobka 40-aad faqraddiisa 3-aad iyo 4-aad iyo qodobka 34-aad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka.

Sidaas darteed, Maxkamadda Sare waxay fasiraad sharci ah ka bixisay weydiinta aragtida sharci ee la xiriirta ansixinta Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabay Madaxweynaha, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, iyada oo cuskanaysa qodobka 71-aad faqraddiisa 2-aad ee Axdiga Ku-Meelgaarka oo caddaynaya in Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960-kii loo isticmaali karo arrimaha aan lagu xusin Axdiga Ku-Meelgaarka, haddii uusan ka hor-imaanayn shuruucda kale ee dalka iyadoo qodobka 82-aad faqraddiisa 2-aad ee Dastuurka 1960-kii uu sheegayo ansixinta Wasiirka 1-aad in ay ahaato gacantaag taas oo sharci ah, soo jireenna ahayd intii ka horreysey arrintaan ugubka ah.

Guddiga Garsooreyaasha Maxkamadda Sare

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: