Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo booqday xaruntii hore ee ciidamada daraawiishta oo ay dhisma xoogan ka socoto.

DAAWO SAWIRRADA KALE

Halkaan ka akhri

This slideshow requires JavaScript.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa shalay booqasho ku tagay Xaruntii hore ee Daraawiishta oo uu howlo dib u dayactir ah ka wado taliska Ciidanka Booliska Soomaliyeed.

Booqashada Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa waxa uu kula kulmay Xeradii hore ee Ciidanka Daraawiishta saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha ciidanka Booliska Soomalaiyeed General Cali Maxamed Xasan Looyaan Cali Madoobe. Taliyaha Qeybta Guud ee Ciidamada booliska Korneel Axmed Xasan Maalin iyo Afheyeenka Ciidamada Booliska G/sare Cabdullaahi Xasan Bariise iyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomalaiyeed  Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan Cali Madoobe oo warbixin ka siinayay Madaxweynaha dhismaha ay ka wadaan Xaruntii hore ee Ciidamada Daraawiishta ayaa sheegay in ay ujeedadu tahay in ay noqoto Xerada Ciidamada booliska Soomalaiyeed, islamarkaana ay howlo dib u dayactir (Iskaa wax u qabso ah) ay ka wadaan Ciidamada Booliska oo ku maalgeliyay Howshaasi lacag gaareysa 80,000 Doller tas oo ay ugu talo galeen Ciidamadu  in ay uga qeyb qataan  iskuna  dayaan soo celinta danta Umadda, si dib u habeyn ay ugu sameystaan xaruntii hore ee Ciidanka Daraawiishta taas oo burbur xooggan uu soo gaaray 20-kii sano ee ugu dambeysay.

Madaxweynaha oo hadal kooban u jeediyay qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka Booliska iyo Ciidamadii ku howlanaa howlaha Iskaa wax u qabashada ayaa uga mahadceliyay saraakiisha iyo Ciidanka Booliska dadaalka wadaninimo iyo abaabulka ay wadaan, isagoo sheegay in arintaasi ay tahay mid u baahan in la dhiiri geliyo.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa u ballaan qaaday in uu gacan ka siin doono Ciidanka Booliska Dhammeystirka Howsha ay ka wadaan xaruntii hore ee Ciidanka Daraawiishta taas oo la doonayo in laga dhigo xero ay wax ku bartaan laguna tabo baro Ciidamada Booliska Soomalaiyeed.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: