Halkaan ka akhri
War goor dhaweyd naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax miino oo aad u xoogan lagula beegsaday gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM gaar ahaan Ciidanka Burundi ee ku socday wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho, wadadaas oo ay fariisin ku leeyihiin.
Waxaa la caddeeyey in Qaraxaan uu ahaa miinada dhulka lagu Aaso ee meelaha fog fog laga hago Ciidamada lala eegtay iinada ayaa la sheegay inay wateen kolanyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi waxayna ku socdeen fariisinkoodu ku yaala Xarunta Kulyadii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamadaas ay marayeen xilligaas agagaarka Haanta Dheer ee wadada warshadaha, waxaana markii qarax uu dhacay kadib ciidamada Burundi ay dhinacyada u rideen rasaas farabadan oo la sheegay inay geysatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ha yeeshee waxaa lagu soo warramay in inta la ogyahay qaraxaas ay ku dhintay labo qof oo rayid ah halka sedax kalana ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay, waxaana la sheegayaa in uu jiro qasaara xoogan oo qarxaasi ka soo gaaray ciidamada AMISOM walow aan dhib dhab ah loo ogeyn inta uu la egyahay.
Markuu dhacay Qaraxaas kadib ayaa Wadada warashadaha oo ah wadada kaliya ee loo isticmaalo isku socodka labada dhinac ee Magaalada Muqdisho waxaa xiray ciidamada AMISOM iyo kuwa ka tirsan Xarakada AL Shabaab taasoo saameyn ku yeelatay wadayaasha gaadiidka iyo dadka isticmaala wadadaasi, sida uu Shabelle u sheegay mid ka mid ah wadayaashii gaadiidka ee mudada ku xayirmay wadadaasi.
Sidoo kale isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa markii dambe dib u furmay markii wadadaasi ay baxeen ciidamadii AMISOM iyo kuwa Al Shabaab ee mudada xayiray dhaq dhaqaaqa wadadaas warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale lama hayo ilaa iyo haatan cid sheegatay Mas‘uuliyada qaraxaasi iyadoo sidoo kale wali aysan ka hadlin saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.