Halkaan ka akhri
Degmooyinka Luuq iyo Balad-Xaawo ee gobalka Gado ayaa waxaa laga soo sheegayaa in laga dareemayo dhaq dhaqaaq ay wadaan ciidamada xarakada Al-Shabaab oo dhowaan laga qabsaday degamada Beled Xaawo iyo ciidamada Ururka Xizbul Islaam ee degmada Luuq.
Wararka ka imaanayo deegaankaas ayaa waxay sheegayaan in degaano ku dhow dhow Degmooyinka Luuq iyo Balad-xaawo oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Xarakada Alshabaab iyo xizbul Islaam ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, kadib markii gurmadyo xoogan laga soo kala diray Gobolka Jubada hoose & Bay.
Hase yeeshee Dhaqdhaqaaqan ayaa cabsi ah ku abuurtay bulshada ku nool magaalooyinka Luuq iyo Balad-Xaawo, sidoo kale dadka ayaa ka cabsi qaba in ay dhibaato ka soo gaarto dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo Xarakada Al-Shabaab oo koox waliba ay ku doonayso in ay kula wareegaan gacan ku haynta degamooyinka Gobolka Gedo.
Dhanka kale Ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Ahlu Suna Waljamaac ee dhowaan sida xooga ah kula wareegay gacan ku haynta degmada beled-xaawo ee gobalkaasi Gado ayaa wada dhaqdhaqaaqyo kale oo ay ku doonayaan in ay Luuq ku gaaraan, iyo degmooyin kale oo ay ka mid yihiin Baardheere iyo Garbahaarey.
Si kasta ha ahaatee dhaqdhaqaaqyadan ayaa waxa uu imaanayaa xili saraakiisha dowlada ay horay u sheegeen in aysan ka laaban doodin degamadaasi isla markaana ay qabsan doonaan deegaanada kale ee gobalkaasi.
SomaliSwiss    Luuq
Filed under: Baidoa |
You must be logged in to post a comment.