Halkaan ka akhri
Dhaq dhaqaaqyo ciidan  iyo dhiila dagaal ayaa laga dareemayaa gudaha gobolka Gedo, kaasi oo ay sameynayaan ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.
Dhaq dhaqaaqyadan ciidan wuxuu daba socdaan dagaalo xoogan oo ka dhacay degmada B/Xaawo ee gobalka Gedo maalmihii tegay- hase yeeshee saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo milatari duleedka magaalada B/Xaawo.
Sidoo kale Dhaq dhaqaaqyada ciidan ayaa waxaa laga dareemayay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobalka Gedo.
Hase yeeshee Dagaaladii ka dhacay degmada B/Xaawo ayaa keenay in gacan ku heynta degmadaasi ay la wareegaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna, iyadoo dhinacii halkaasi lagala wareegay ay hada u tafaxeysanayaan sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen.
Bale arrimahan ayaa walaac waxaa ka muujinaya shacabka iyaga lagu dul dagaalamay, qasaaraha ugu badana ka soo gaaray dagaaladii u dambeeyay.
SomaliSwiss B/Xaawo
Filed under: Baidoa |
You must be logged in to post a comment.