Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Africa.

Halkaan ka akhri

Waxaa lagu dilay dalka Koofur Africa ilaa 3-qof oo ka tirsanaa ganacsatada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Koofur Africa, Afar kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar kooxo hubeeysan ay ku qaadeen goobo ganacsi oo ay ku lahaayeen deegaanno hoos taga magaalada Cape town ee dalkaasi.

Sida lagu soo warrama kooxo hubeysan waxay u dhasheen dalka Koofur Africa hase ahaatee weerarkan ayaa lahu soo qaaday goobo ganacsi oo ay Soomaalidu ku lahaayeen deegaanno hoos taga magaalada Cape town, waxeyna halkaasi ku toogteen Sadex ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida iyadoo Afar kalena ay ku dhaawacmeen falkaasi.

Dadka geeriyooday ayaa maalintii shalay lagu aasay qubuuraha Islaamka ee Magaaladaasi, halka kuwii dhaawaca ahaana haatan lagu daweeynayo mid kamid ah Isbitaalada magaaladaasi.

Hase yeeshee ma aha markii ugu horeeysay oo falkan oo kale ah uu ka dhaco dalkaas, waxaana kooxo hubeeysan ay hore ugu toogteen boqolaal Soomaali ah, mana jirto cid wax ka qabata ugaarsiga lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

SomaliSwiss Cape town

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: