Burcad badeed Soomaali ah oo Maxkamad lagu saarayo magaalada Mukalla ee dalka Yemen.

Halkaan ka akhri

Warbaahinta dalka Yemen ayaa Saaka baahisay in Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo xilli hore ay qabteen Ciidanka Badda ee Yamen lagu maxkamnadaynayo maanta Dalkaas.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Maamulka Magaalada Mukalla ee dalka Yemen ayaa la sheegay inay bilaabeen in ay maxkamadeeyaan ilaa 13 qof Soomaali ah oo lagu soo oogay dinbi ah in ay ka mid yihiin Burcad Badeednimo.

Sida ay ku warrantay Wakaalada wararka ee Saba’ iyadoo soo xiganaysa saraakiisha amaanka Maamulka Magaalada Mukala waxay sheegeen in ay bilaabatay Maxkamadaynta rag Burcad Badeed ah.

Hase yeeshee denbiilayaashan ayaa dhowr jeer la rabay in maxkamad la soo saaro balse ay baaqanaysay maxkamadeyntooda, sidoo kale waxaa hadda la bilaabay maxkamadeyntooda, sidaas darteed waxaa la filayaaa inay maxkamada go’aan ay ka gaarto, sidaas waxaa shaaca ka qaaday masuul u hadlay wasaarada arimaha Gudaha.

Maxkamadeynta ayaa soconeysa ilaa 14ka bisha Novfembar 2010ka, si maxkamadda go’aan cad uga qaadato kooxahan gaaraya 13-qof ee loo haysto fal Burcad Badeednimo ah.

Dhanka kale Maxkamadaynta oo bilaabatay maalintii shalay ahayd waxaana la filanayaa in Maxkamada Wadanka Yamen ee Magaalada Mukalla ay soo afmeerto Eedeynta raggan.

SomaliSwiss    Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: