Nin ganacsata Soomaali ah oo lagu dhex dilay gudaha dukaankiisa oo ku yaala xaafada Islii ee dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Nin ganacsata Soomaali ah  ayaa lagu dilay gudaha Dukaankiisa ee ku yaala magaalada Nairobi xaafada Islii ee dalka Kenya, ka dib markii halkaasi ay weerar ku qaadeen koox burcad ah.

Sida lagu soo warramay 5-qof oo burcad hubeysan ah ayaa weerar ku qaaday dukaan weyn oo ay leeyihiin dad Soomaali ah, waxaana halkaasi ay ku toogteen milkiilaha dukaankaasi, sidaas waxaa  caddeeyey dad goobjoogiyaal ah.

Sidoo kale waxaa isla goobtaas la dilay nin Kenyan oo taagnaa albaabka hore ee dukaanka, kaasoo ay toogteen kooxda burcadda ah ka hor inta aysan gudaha u soo galin dukaanka.

Hase yeeshee arrrintan ayaa waxay walbahaar iyo qalqal ku abuurtay dadka ku dhaqan xaafada Islii ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku nool yihiin inta badan Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Kenya.

Si kasta arrintu ha ahatee hadal heynta ugu badan ee magaalada Nairobi ayaa ah dhacadadan oo xalay  ka dhacday xaafada Islii magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana la sheegay in burcadda falkaas sameysay lalà yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen, balse arrintan  ayaa la sheegay in Boliiska ay baaritaan iyo raad-raac ku wadaan.

SomaliSwiss   Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: