Halkaan ka akhri
Gudoomiyaha jaaliyada Beelweynta Gaaljecel ee Dalka Malaysia ahna Gudoonka Sanadkan Jaaliyada Somaliyeed ee Dalka Malaysia  Mudane Hussein Anteeno ayaa Maanta shir jaraaid ku qabtay Hoygiisa magalaada Kuala lumpur Isagoo tageeray Maamulka Hiiraan iyo Midland  ee Madaxweyne Jiraabey.
Shirkan Jaraaid ayaa kala qeyb galay Masuulkan Qaar katirsan Madaxda Wakiilada Asia ee Xisbi Siyaasadeedka  Salaama oo Goor sii horeysay Lagu unkay Dalkan Malaysia.
Hadalka Hussein Anteeno ayaa ku soo beegmaya Xili banaanbax lagu Tageerayo Dowlada Hiiraan iyo Midland Laga qaban Qaabinayo Gobalka Hiiraaan.
Sidoo kale Shirkisa jaraaid ayaa Masulkan Kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay ugu Horeyso Siyaasada Dowlada Hiiraan iyo Midland  oo uu ku sheegay Daris wanaag iyo Walaatinimo.
Waxa uu kaloo Masulkan kaga Hadlaya rimo dhowr ah oo ku saabsan Xaalada cakiran ee Gobalka hiiraan oo Illah ugu baryay Umada Muslimiinta ah Iney nabad kuwada nolaadaan.
Waxa uu kaloo qiray In Gobalkaasi uu yahay Mid ay Muhiim u tahay nabad galyadiisa Dhamaan Umada Soomaaliyed Madama Tahay bartamaha Somalia  iyadoo ay isku xirto Koonfur iyo Waqoyi dhulka Somalia.
Dhanka kale Mudane Anteeno waxa uu hadal kulul u jeediyay Kooxaha sheegto Maamulada jubbaland iney ka waan tobaan, wuxuuna hadal u jeediyay dadkaasi ineysan ku fududaan maamul lo sameeyo Degaanada jubooyinka uu ku shegay In dadka u ehelka ah Gobalkaasi ay mudanyihiin Iney Ku dhawaqaan maamulka Madama ay yihiin Dadka degaanka, wuxuuna Sii Raaciyay iney dhawaan sameyn donaan Maamul Loogu Magac dari doono Jubbaland State oo Qaban qaabadiisa ay ka socoto gudaha iyo dalkaba.
Gebagebadii wuxuu Mudane Anteeno ka hadlay in gobalka J/ Hoose ay hesytan Xarakada Al-Shabab oo uu Madax u yahay Gudoomiyaha Wilaayada jubooyinka Sheikh Abuukar Cali.
SomaliSwiss kuala lumpur
Filed under: Wararka |
You must be logged in to post a comment.