Ciidamada dowladda KMG oo xalay dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay Degmooyinka Libooye iyo Ceelwaaq.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Dhooblay ee G/Jubbada Hoose ayaa sheegaya  in Ciidamo daacad u ah dowladda KMG ee Soomaaliya isla markaana tiradooda gaarayaan ilaa 1000-kun askari ay habeenimadii xalay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen deegaano ku dhow Libow iyo Ceelwaaq ee Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay dadka deegeenkaas ayaa sheegaya Ciidamada uu hogaaminayo sarkaal lagu magacaabo Col: C/laahi Fartaag, ayna ujeedkoodu tahay in dagaalo cusub ay ka furaan Gobolada Gedo iyo Jubooyinka.

Waxaa wehliya Ciidamo Kenyan ah oo dhanka Madaafiicda goobta kaga caawinaya dagaalada u qorsheysan Ciidamada dowladda KMG tababarka ku soo qaatay dalka Kenya la galaan Xarakada alshabaab ee Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Ciidamo Soomaali ah oo ka tirsan Ciidamada dowladda KMG oo tababar ku soo qaatay dalka Kenya ee  ku sugnaa in muddo ah Deegaanka Amuume ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ay bilaabeen in ay isku diyaariyaan duulaanka u qorsheysan inay ku soo qaadaan dhanka Jubooyinka ilaa ay ka gaaraan Magaalo Kismaayo oo haatan ah xarunta ugu weyn ee Xarakada Alshabaab Gobolada Jubooyinka.

Hase yeeshee waxaa cabsi weyn ay ka jirtaa Degmada Baardheere oo ka mid ah goobaha looga cabsi qabo in ay ka holcaan dagaalo culus oo dhex mara kooxaha Islaamiyiinta ah ee iidan dowladda KMG iyo joogitaanka Ciidamada shisheeye, balse lama oga natiijada ka soo bixi karta dagaaladaas saan saanteeda laga dareemayo Gedo iyo Jubooyinka.

SomaliSwiss   Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: