Halkaan ka akhri
R/wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaliya Max’ed C\llaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay kooxaha dowladda ka soo horjeeda in ay joojiyaan dagaalada ayna wada hadal ku raadiyaan waxa ay doonayaan.
Sidoo kale R/wasaaraha cusub ee Soomaliya wuxuu kula taliyay kooxaha Dowladda ka soo horjeeda in ay nabada qaataan, isla markaana ay wadahadal wax ku raadiyaan, Â wuxuuna xasuusiyay in aan xoog waxba lagu gaareeyn, balse uu caddeeyey in Dowladu ay mudnaanta siineyso wadahadal iyo in nabad wax lagu raadiyo.
Dhanka kale R/wasaaraha ayaa ku amaanay ciidamada Qalabka sida ee ku jira aagaga dagaalka in howshoodu ay u guteen si wanaagsan oo ku jirto wadanninimo, nafooduna u hureen inay ka mira dhaliyaan himilada ummada Soomaaliyeed, wuxuuna R/wasaaruhu u balanqaaday ciidamadu inay heli doonaan xuquuqdooda.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.