Madaxweyne Sheikh Shariif oo sheegay in dowlada KMG ah ay ka go’an tahay fulinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dalka Soomaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada KMG ay ka go’an tahay in ay fuliso ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo horay ay dowladu u ansixisay.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu xusay in Dowlada KMG ah ay qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka.

Dhanka kale Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu sheegay in shacabka soomaaliyeed ay yihiin dad Muslim ah 100%, hase ahaatee haddana loo baahan in la xoojiyo ku dhaqankeeda, si loo helo caddaalad, balse waxaa dadku u sgeegayaa ayuu yiri Madaxweynuhu  “mar hadii ay niyadeenu wanaagsan tahay waa aynu ku guuleeysaneeynaa in aan si wanaagsan dalka uga hirgelino ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Hase yeeshee Madaxweynaha wuxuu bulshada ku dhiirigeliyay in waxyaabaha dhibaatooyinka ah ee dalka ka dhacaya aaneey ka weecin dariiqa saxda ah, wuxuuna ku guubaabiyay in ay wanaajiyaan ficikooda.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan dad doonaya inay diinta Islaamka nacsiiyaan shacabka Soomaaliyeed islamarkaana si qaldan ugu tarjumayo, waxaana uu bulshada ku waanayay inaysan dhaq jalag u siin geddin uu sheegay in lagu hayo diinta Islaamka.

 

Hadalkan ayaa wuxuu Madaxweynuhu ka jeediyay maalintii shalay Masjid ku yaala gudaha Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Salaadii Jimcaha kadib.

 

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: